Maxaa laga soo gaabiyay OSINT?
Open Source = ilo furan oo qof walba heli karo.
Intelligence = xog la falanqeeyay si loo ogaado Qatarta ama go’aan amni loogaaro, iyo go,aan siyaasadeed oo istaraatiiji ah loogaaro
Shaqada OSINT Maxey Tahay?
- Ururinta xogta furan – sida baraha bulshada (Facebook, X, TikTok, YouTube), websites, warbaahinta, iyo diiwaanno dowladeed.
- Falanqaynta xogtaas – si loo ogaado khatar, qorshe, ama sir la xiriirta amni ama baaritaan.
- Dhiirrigelinta go’aan qaadashada – hay’adaha sirdoonka, booliska, militariga, ama baarayaasha gaarka ah ayaa adeegsan si ay u helaan xog sax ah oo aan qarsooneyn.
🧭 Habka Shaqada OSINT (Talaabo-talaabo)
Talaabo 1:
Ujeeddada baaritaanka qeex
Marka hore, baaruhu waa inuu go’aansadaa maxaa la raadinayaa:
Ma qof baa la baarayaa?
Ma urur ama dhacdo amni baa?
Mise waa fal ama hanjabaad suurtagal ah?
🎯 Tusaale: “Waxaan rabaa inaan ogaado qofkan xiriirada uu leeyahay urur ama shaqsi lagu raadjoogo iyo halka uu ku sugan yahay.”
Talaabo 2:
Xog ururinta sirdoonka (Data Verification & Analysis)
Marka xog badan la helo, waa in la kala saaraa:
Xogta saxda ah vs xogta been abuurka ah
Xogta muhiimka ah vs xogta aan qiimo lahayn
Farsamooyin ka OSINT
📊 Waxaa jiro farsamooyin laga dhax isticmaalo (OSINT tools) kuwaasoo kuu falanqeenaayo xogtii aad rabtay, tusaale:
- Maltego – xiriirinta xogta dadka, emails, domains
- SpiderFoot – baaritaan otomaatig ah
- Shodan – baarista qalabka internetka ku xiran
- TinEye / Google Image Search – raadinta sawirro
- GeoGuess / EXIF tools – aqoonsiga goobta sawirka laga qaaday
Filashada iyo Faa,iidada OSINT?
waxaa laga sameeyaa warbixin cad oo muujinaysa
Xiriirada muhiimka ahaa ood baareesay wixii karun ah.
Goobta, waqtiga, iyo xiriirka ka dhaxeeyo dhacdada aad baaraysay iyo natiijada kusoo baxday
📄 Natiijada OSINT waa warbixin la isku haleen karo oo la falanqeeyay si loogu gudbiyo taliyayaasha ama hay’adaha kale ee amniga.
🧩 Faa’iidooyinka OSINT ee Amniga
- Waxay kaa caawisaa inaad ogaato Goobaha qataraha kaga imaan karaan maadaama aad feejignaanta mapka ka aad ku xiran karto wuxuuna kula socodsiinayaa ka hor inta aysan dhicin qatarti aad lawadaagtay OSINT.
(situational awareness). - Waxay taageertaa baaritaanno ciidan, boolis, iyo sirdoon.
- Waa mid qiimo jaban oo si degdeg ah xog loo heli karo.
Gunaanud
Baraha bulshada ma aha oo kaliya meel lagu sheekeysto, balse waa keyd xogeed weyn oo qofkii si cilmi iyo xirfad leh u barta uu ka heli karo xog qiimo badan. Sidaas darteed, qof kasta oo doonaya inuu noqdo baaraha casriga ah waa inuu fahmaa sida saxda ah ee xogta looga soo saaro social media – si loo xaqiijiyo runta, loo xalliyo kiisaska, ama loo fahmo dhaqanka bulshada maanta.
